Jaamacada Bariga Afrika oo $ 20,000 ku wareejisay Gudiga wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo

[Bosaso-Puntland Post ] Jaamacada Bariga Afrika qeybteeda Boosaaso ayaa lacag dhan ($20,000) doolar ugu deeqay dhismaha wadad xiriirisa Ceeldaahir iyo Ceergaabo oo hada dhismaheedu marayo meel wanaagsan, waana markii afraad oo ay Jaamacadu gudoonsiiso gudiga wadada Ceeldaahir-iyo Ceerigaabo lacag.

Munasabad kooban oo lacagtan lagu wareejinayey ayaa waxa ay ka dhacday Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso waxaana goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka Jaamacada, madax ka tirsan Jaamacada iyo gudiga wadada Ceeldaahir-iyo Ceerigaabo.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Bariga Afrika Maxamuud Maxamed Ciise Awoowe Salwe, gudoomiyaha dhinaca Academic iyo Madax Maaliyada ee Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxa y amaan u soo jeediyeeyn ardayda oo kalin weyn ka qaadatay deeqadan lacageed .

“Aniga oo ku hadlaya afka Jaamacada Bariga Afrika  waxaan halkan ku wareejinaynaa taakulo lacageed oo dhan [$20,000] oo doolar oo anu ugu talagalnay in aanu ku dhiirigalino gudiga gacanta ku haysa dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo si loo dhameystiro”. sidaas waxa munasabada wareejinta lacagta ka sheegay Gudoomiye ku xieenka Jaamacada Bariga Afrika Maxamud Maxamed Ciise Awoowe .

Gudoomiye ku xigeenka wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo Cali Ceelaayo ayaa amaanay Jaamacada Bariga Afrika sida wanaagsan ee ay uga qeyb qadanayso taakuleynta wadada si loo dhameystiro.

Waa markii Afraad oo ay Jaamacadu Bariga Afrika ku wareejiso lacag deeq ah gudiga wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo .