Faahfaahin iska hor imaad saaka dhexmaray Puntland iyo Somaliland

Hadal haynta ka jirta Aaga Tukoraq Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan labo ciidan oo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland ayaa la xidhiidha iska hor imaad subaxnimadii horre maanta ku dhexmarey labada dhinac halkaas.

Warar madax banaan oo PUNTLAND POST ka heshay saraakiisha ciidanka Puntland iyo dadka deegaanka Tukoraq ayaa sheegaya khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaas.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Tukoraq waxay warbaahinta PUNTLAND POST u sheegeen in loo dhaafiyay dhinaca magaalada Laascaano dhimashada ilaa 3 askari iyo dhaawac tiradiisu intaas ka badan tahay oo ciidanka Somaliland kasoo gaadhey weerarkii saaka dhexmarey ciidanka Puntland.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland waxay sheegeen ka sakow khasaaraha dhimashada ciidanka Somaliland inuu jiro gaari dagaal oo laga gubey Somaliland ka dib markey ku eedeeyeen ciidankoodu inuu soo weeraray mid ka mid ah fariisimaha ciidanka Puntland.

Dhinaca kale wararka laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu jiro dhaawaca labo askari oo mid ka mid ah sahlan yahay oo ciidanka Puntland kasoo gaarey iska hor imaadkii maanta ka dhacay duleedka magaalada Tukoraq.

Isku soo wada duuboo xaalada labada dhinac ayaa u muuqata saansaan colaadeed oo qarka u saaran inuu ka dhex qarxo dagaal balaaran.

Aaga Tukoraq

PUNTLAND POST