Shirweynaha Dib u eegista Dastuurka Dalka oo Maanta Muqdisho ka Furmaya

Goordhow oo maanta ah waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ka furmaya Shirka Qaran ee dib u eegista dastuurka Dalka Soomaaliya.

Shirkaani oo ah mid aad u heersareeya islamarkaasina muddo ay socotay qaban qaabadiisa ayaa waxaa horay u iclaamisay wasaarada Dastuurka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa socon doono muddo labo maalin ah waxaana ka qeeybgalaya ergo ku dhow 500.

Xubno ka socdo Goloyaasha Dowlada, Maamul Goboleedyada,Beesha Caalaamka Qeeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa shirkaani ka qeeybgali doono.

Shirka kadib ayaa lagu wadaa in si toos ah looguda galo talo bixin guud oo ku saabsan dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka dalka.

Qilaafaad badan ayuu soo maray shirkaasi ka hor inta aanu furmin iyada oo horay ay u qaadaceen shirkaan guddiga daruusta Baarlamaanka inkastoo markii dambe la xaliyay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho