Madaxweynaha Puntland oo Agaasime guud u magaacabay wasaaradda kalluumeysiga

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa Agaasime guud  u magacaabay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyrdaadka Badda Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 13 May ee ku beegan maanta ayaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland loogu magacaabay,Farxaan Cali Xirsi,kadib markii todobaad ka hor xilkii laga qaaday Agaasimihii hore ee Wasaaraddaas,Cali Xirsi Faarax Maxamuud.

Digreeto uu madaxweyne Gaas soo saaray oo ku taariikhaysan 2-dii bishaan May ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dowladda Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa wasaaraddiisa,waxaana dhammaantood lagu eedeeyay musuq maasuq iyo maamul-xumo,sida digreetada ku xusan.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar