Saddexda Ilma Dage iyo Dagaaga Dal baa ka dhexeeya – Maqaal

Hal ceeba oo nidaamka xulashada xortaayi leeyahay ayaa ah in mararka qaar ay ku soo baxaan haggaamo aan la mahadin, aakhirkana guul daro horseeda. Mid ka mida hogaamadaas  ayaa ah Dagaaga amase waxa la yiraahdo (demagogue leader) oo ah marin habaabiye. Dagaagu waxa uu ku soo baxaa  shucuur kacaanimo. Wuxuuna ka soo dhex baxaa bulsho quus taagan. Inta badana kama uu tarjumo waxa uu aaminsan yahay ee waa dhuxul dambas huwan.

Waa macangag madax adag oo ay la wayn tahay anaa iridu. Badanaaba fariimihiisa shacabka ayuu toos ugu diraa. Hadaladiisuna waxay ku qotomaan xamaasad aan waaqica ku salaysnayn. Inta badan wuxuu u dhaqmaa inuu yahay u doodaha shacabka. ma jecla in la dhaliilo ama la naqdiyo, cid walba oo dhaliisha ama naqdidana si fudud ayuu ugu tilmaamaa inay tahay cadawga shacabka. Wuxuu jecelyahay in magaciisa iyo muuqiisaba la koolkooliyo.

DAGAA KALKAAL

Dagaa waliba waxa uu samaystaa koox magaciisa koolkoolisa muuqiisana faafisa. Inta badan waxay fasiraado ka bixiyaan fariimihiisa iyaga oo isticmaalaya aalad walba iyo xeelad walba. Waxa kaliya ee dagaaga kooxdaan ku xira ayaa ah inay yihiin danley xoogsanaysa.

Waxay jaa’ifo iyo gabood-fal ba ugaystaan cid walba oo ay isleeyihiin dagaaga ayay fikir ahaan uga duwan yihiin. markiibana magacyo ayay uyeelaan sida daba-dhilif, qaran-dumis iyo kuwo kale oo badan.

Kooxdaan waxaa laga soo dhex xulaa bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxay noqan karaan suugaan leey, culimo, madax hore, ama dad bulshada dhaxdeeda maqaam ku leh. Danta kaliya ee laga leeyahay ayaa ah in lagu dago bulshada. Waxay beeciyaan afkaarta dagaaga iyaga oo ku badalanaya mansab ama maal. Kolka uu dagaa ka gudbo marxaladda dagaa nimada una xuubsiibto kaligi-talis, waa laga maarmaa  kooxdaan. Maxaa yeelay iminka dadka oo dhan ayaa ku shaqeeya qaab cabsiyeed ka dhashay dhaqan siyaasadeedka kaligi taliyaha.

DAGANE

Kuwani waa kuwa ugu nasiibka daran saddexda ilma Dage maxaa wacay garaadkooda ayaa dhibanaha ka dhigay. Waa cidda keliya ee uu dagaa waliba xoogga saaro in fariimihiisu gaaraan. Sababtuna waxaa weeye,  waxay u nugul yihiin in si fudud wax loogu shubto. Maahan indheer-garad shishay wax u eega ee waa inyar-garad indho ku garaad laa. Waxaa si fudud looga raaridaa fariimaha dagaaga iyaga oo aan kala sooc lahayn. Kuwani waa kuwii uu sheegay madaxwayne Trump mar sanadkii 1989kii la waydiiyey bal inuu u tartamayo madaxtinimada Maraykanka iyo in kale. Wuxuu yiri “ maya, tartami maayo laakiin haddii aan tartami lahaa waxaan iska sharixi lahaa xisbiga Jamhuuriga maxaa yeelay iyagaa leh taageerayaal wixii loo sheegaba rumaysta” kooxdaan badankoodu waa xamaas ku nool iyo daacad aan beerba laf ka filan. Qolyahaan mar uu sifaynayey gabyaagii waynaa ee Qaasim bilawgii 70kii oo ahayd xilli taliskii Maxamed Siyaad cirkaa marayey dad badanina ay si xooga ugu jidbaysnaayeen. Wuxuu yiri: “qaansalaydu haw sacabiyeen siigga qalataaye, naagaha surweelka lihi mashxarad ha u safnaadeene, sabaalaha ha moodeen in loo sahanshay meel roon.”

MA DAGME

Kooxdani waa cid walba oo leh garaad iyo garasho sare oo ku filan una  diida inay ku dhacaan dabinkii uu ku dhacay daganuhu . Waxay aqoon dheeriya u leeyihiin taariikhda iyo tagtadii hore. Waxay si qumaatiya u abla ablayn karaan wadciga iyo waaqica ku xeeran. Waaya argnimadooda ku saabsan tagtadii hore, iyo fahamka ay u leeyihiin daruufaha ku xeeran, ayaa u sahla inay si xayaabo tiran u arkaan mawjadaha ku soo fool leh ee ay timaatadu wadato. Sidaas daraadeed waa cidda ugu horaysa ee markiiba garata dagaaga iyo calaamadihiisaba. Waxay markiiba isku dayaan inay bulshada uga digaan aafooyinka ku soo fool leh ee uu dagaagu la imaan karo haddii aan la maarayn awoodihiisa kordhaya. Nasiib daro, kooxdaan waxaa col u ah labada kele ee ilma Dage oo inta badan carqaladeeya fariimahooda.

QAABKEE DAGAAGA LOO XAKAMEEYAA?

Meelaha uu nidaam siyaasadeedka gunta dheeri kajiro, hadii uu dagaa amase (demagogue leader) uu doorasho ku soo baxo,  waxaa jira shuruuc iyo qawaaniin xadidaysa awoodiisa si uusan ugu xuubsiiban (tyrant) amase dhiigyacab. Waxaana tusaale inoogu filan Trum iyo dagaalka lagula jiro.

Laakiin meelaha anay ka jirin hay’adaha dawligaa ee salka balaarani, si fudud ayaa dagaagu isugu badalaa kaligi-talis, ka bacdina dhiig-yacab. Kolkii uu dagaa u xuub-siibto kaligi-talis ayaa dhamaan bulshada oo ay ka mid yihiin daganayaashii horay loo dagay ay si qumaatiya u arkaan hagar-daamooyin ka dagaaga. “ nin la dagay sidii doqon hadduu dacayda laadlaadsho, mar uun buu dareemaa inaan daacad loo qabin” Sayid Mohamed. Inkasta oo qaybo ka mida hoggaanka Soomaalida ay ka muuqato calaamadihii dagaagu, haddana waaqica Soomaalida ee dagaa iyo dagaal ka soo doogaa, awoodaha la qaybshay iyo qaab dhismeedka fadaraalismka ku salaysan ayaa ah aalad loogu talagalay in looga hor tago dagaa walba.

Waxay ila tahay su’aasha madaxaaga ku soo dhacaysa marka aad qormadaan dhamayso ayaa ah, cidda adigu aad tahay marke la eego saddexda ilma Dage.

Ma waxaad tahay inyar-garad madax yaraa oo aan dareemi karin daruufaha ku xeeran iyo mawjadaha ku soo aadan? Sidii uu lahaa abwaan Gaariye “ daganaansho uma dhalan dubaha igu soo maqan lagu sii daraamee, jeeruu dakharku igu dhaco kama sii digniin helo. Mise waxaad tahay indheer-garad fahmi kara timaatada soo aadan waxa ay la imaan doonto guul iyo guul daraba? Sidii uu lahaa Sun Tzu dagaal yaqaankii waynaa ee reer China ee noolaa 25 qarni Ciise ka hor wuxuu yiri “ jananka ama taliyaha fiicani maahan midka ay guushu u muuqato marka ay cid waliba arki karto, ee waa midka guul darada dhexdeeda guushu uga muuqato.

 

Mohamed A. Elmi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *