Madaxweyne Gaas oo daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland

Madaxweyne Gaas oo qaybinaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa sabtida maanta ah magaalada Garoowe ka daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee guud ahaan degaannada Puntland.

Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa saaka ka furmay in ka badan 100 xarumood oo ku yaalla dhammaan sagaalka gobol ee dowladda Puntland,waxaana u fadhiistay,arday gaaraysa 15 kun oo arday,kuwaasoo isugu jira fasalka 8 aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4 aad ee dugsiga sare,sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland,Abshir Yuusuf Ciise.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in imtixaankan ay ilaalinayaan750 macallin,islamarkaana ay kormeerayaal ka yihiin 150 macallin oo kale,isagoo caddeeyay in dhammaan kharashka ku baxaya imtixaankan ay iska kaashadeen dowladda iyo shacabka Puntland.

Abshir Yuusuf Ciise,Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare dowladda Puntland ayaa ardayda imtixaankan u fadhiisatay ugu baaqay in ay degga’naan iyo kalsooni muujiyaan,si ay maskaxdoodu fursad ugu hesho in ay ka shaqeyso imtixaanka horyaalla.

Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo hadal kooban ka jeediyay munaasabaddii furitaanka ee imtixaankan,ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ku aaddan baahinta Waxbarashada,isagoo sheegay in ardayda intaas le’eg ee maanta imtixaanka gelaysa ay muujinayso horumarka Puntland ka gaartay dhinaca waxbarashada.

Waxay muujinaysaa dedaalka  ay wasaaradda iyo Dowladduba samaysay,  in waxbarashadu ay gaarto Gobol walba, Degmo iyo tuulo walba ee istaahisha in iskuul laga suubiyo waa guul usoo hoyatey Puntland iyo Soomaaliyaba ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa hambalyo ku salaamay dhammaan ardayda reer Puntland ee imtixaanka u fadhiistay,wuxuuna ku boorriyay in ay dadaalka waxbarashada  sii wadaan,isagoo u rajeeyay guul in ay ka gaaran imtixaanka maanta u bilowday.

Halkaan ka daawo muuqaalka.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar