Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Michael Keating.

 

Keating iyo Gaas 12 May 2018 madaxtooyada Garoowe

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Maanta xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating.

Kulankaan madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali uu la qaatay Michael Keating ayaa waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan Golaha xukuumadda iyo saraakiisha sare ee madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Gaas iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo ku kulankaasi kadib warbaahinta uga warbixiyay qodobada ay ka wada-hadleen,ayaa si wadajir ah u sheegay in kulankoodu ku saabsanaa, arrimaha amniga,siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya arrimaha Dastuurka iyo Federaalismka.

Sidoo kale waxay sheegeen in ay ka wada-hadleen amniga Gaalkacyo,Xiisadda ka taagan degaanka Tukaraq ee u dhexaysa Puntland Somaliland iyo doorashada Puntland ee sannadka 2019,balse faahfaahin dheeri ah kama bixin qodobadan.

Halkan ka daawo muuqaalka.

PUNTLAND POST