Puntland oo fasaxday Maxaabiis u dhashay Iiran

Bosaso [Puntland Post] Maxkamada sare ee Puntland ayaa  maanta u fariisatay gal Dacwadeed loo haysaytay Maxabiis u dhashay dalka Iraan,  kuwaasi oo la soo qabtay iyago si sharci daro ah uga Kalumaysanaya xeebaha Puntland.

Maxabiistan ayaa mudo 8 bilood ah waxay Ku jireen Xabsiga dhexe ee Boisaaso Waxana horay u xukuntay Maxkamada darajada Koowad ee Gobalka Bari, iyado xiligii Maxabiistan la soo qabanayayna laga dilay nakhudihii doonta oo isku dayay inuu Ka baxsado ciidamada Badda Puntland.

17 Kan Maxbuus ayaa Maxkamada sare ee Puntland waxay xeer ilaaliyaha sare ee Puntland Maxamuud Xassan iyo Xeer Ilaaliyaha Gobalka Bari Bashiir Hobaley Ka dhagaysatay eeda koo haysto edaysana yaashan ajaanibta ah.

Gudomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare ee Puntland Nuur Ciise ayaa dhagaysiga Ka dib Waxa uu Xoryadoodi u celiyay 17-ka Maxbuus, iyado sido kale Puntland lagu warejiyay doontii ay wateen xiligii la soo qabanayay, halka nakhudihii doonta ee la dilay lagu xukumay in magtiisa uu bixiyo Mulkilaha doonida oo dalka Iraan u dhashay.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso