Xirnaanshihii Dekadda Bosaso oo laga heshiiyay

Bosaso[Puntland Post] Iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey uu socday khilaaf udhexeeyey shirkadda Tayo dhowrka ee Puntland (Quality Control) iyo Ganacsatada Puntland, kadib markii uu muran ka dhashay lacag kordhin ay samaysay shirkadu ay Ganacsatadu ka soo horjeesteen.

Waxaana maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaarda Ganacsiga ee Puntland ee magaalada Boosaaso sido kalena ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada ee Puntland Cabdiqaadir Siciid caarshe Dhaqaaje, iyo Masuuliyiin Kale ayaa lagu soo bandhigay is afgarad laga gaaray arintaasi.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho Guran) ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin xalka laga gaaray Khilaafkii dhawaan ka dhashay canshuur kordhintii ay sameysay Waaxda Tayo baarista, wuxuuna balanqaaday iney dhinacooda ka soo bixi doonaan wixii lagu heshiiyay

Wasiirka ayaa ka hadlay Warshadaha biyaha ee Boosaaso ka howlgala kuwaasi oo uu sheegay in labo kamid ah ay buuxiyeen shuruudihii, saxda ahaa ee lagu aqoonsanayay, wuxuuna u mahadceliyay shaqada ay qabteen Waaxda Tayo baarista ee Puntland, isagoo ugu baaqay shirkadaha kale ee aan shuruudaha soo buuxin in sida ugu dhakhsaha badan ay oga jaawaabaan baaqii Wasaaradda ee ahaa in la hubiyo tayada wax dadka reer Puntland laga iibinayo.

Hoos ka Daawo shirka Jara,id ee Wasiirka Ganacsiga Puntland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso