Puntland oo farriin u dirtay dugsiyada Waxbrashada iyo mas’uuliyiinta degmooyinka

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare dowladda Puntland,Maxammed Cali Faarax(Farmayeeri) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaalada Garoowe ayaa sheegay, in maalinta sabtida ah ee soo socota si rasmi ah loo daah-furayo, Imtixaanka Shahaadiga ah guud ahaan degaannada Puntland.

Agaasime Farmayeeri ayaa sidoo kale sheegay in maalinta sabtida la shaacin doono, warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa, dhammaan arrimaha ku saabsan imtixaanka,sida tirada ardayda gelaysa,meelaha ay kala joogan,iyo xarumaha loo qorsheeyay in lagu galo.

Maxammed Cali Faarax ayaa ugu dambeyntii farriin u diray,dhammaan dugsiyada waxbarashada,mas’uuliyiinta degmooyinka iyo hay’adaha amniga oo uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan macallimiinta loo igmaday socod-siinta hawlaha imtixaanka.

PUNTLAND POST