Mid kamid ah Beelaha Puntland oo kulan ku yeeshay Bosaso

Gogoshan ayaa waxaa fidisay Beesha Xussen Nuux (Dhaadar) ee Siwaaqroon, waxayna isla Beelaha Siwaaqroon kaga codsadeen in xubinnimada Baarlamaanka sanadka 2019 ee Puntland la siiyo si ay u matalaan mid ka nida labada xubbood ee ay Beeshu Ku ledahay Baarlamaanka Puntland.

Gogoshan ayaa Waxaa goobjoog ka ahaa Odayaasha dhaqanka, waxgarad, ganacsatada, dhalinyarada, aqoonyahanada iyo indha geradka belwaynta Siwaaqroon.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa madasha Ku kafa guray sidii ay Beelaha Siwaaqroon u heli kahayeen aqoonyahano u matala 2019 Baarlamaanka Puntland, waxayna si weyn usoo dhaweeyeen codsiga Beesha Xuuseen Nuux (Dhaadaar) ay kaga codsadeen xubin ka mida xubnaha beelaha Siwaaqroon ku matalaya Baarlamaanka Puntland.

Nabaddoonadii ka soo qaybgalay shirkaas ayaa sheegay in ay ayagu dhankooda siiyeen xubintaas Beesha gogoshaas fidisay ee Xuseen Nuux (Dhaadaar), ayna aad usoo dhaweeyeen musharaxa aqoonyahanka ah Eng. Cabdullaahi Yuusuf Qaylo ee ay beesha (Dhaadaar) doonayso inuu matalo kana mid noqdo xildhibaanada Puntland ee 2019ka.

Waxaa shirka furay Cabdixamiid Yuusuf Qaylo asagoo halkaas kusoo bandhigay sidii ay beelaha Siwaaqroon wax usoo qaybsadeen 19 sano ee ay Puntland dhisnayd aysanna beesha (Dhaadaar) wax dowr ah ku lahayn matalaadda dowladda.

Sidoo kale Nabaddoon sheekh Yuusuf Muuse ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Cabdulaahi Yusuf Qeylo oo uu ku tilmaamay shaqsi da’daal badan.

Nabaddoon Muuse Aw-xuseen, Cali xoolaside, Maxamed Samatar,Maxamed Jaamac, Buruuj Cali kolan, Siciid Muuse Gaargaar, Cabbane Caynab iyo Waxgarad kale ayaa tilmaamay iney garabtaaganyihiin aqoonyahan Eng.Cabdalla.

Gabagabadiina Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Gardafuu ayaa sheegay in ay mudanyihiin xaqna u leeyihiin in Beesha Dhaadaar xubintaas la siiyo, maadaama aysan wali matalin beelaha Siwaaqroon.

DAAWO SAWIRRO :

 

Cabdiqani Boos

Boosaso