Isbitaalka guud ee Garowe oo qarka u saaran in albaabada loo laabo

Daruuf adag ayaa soo food saartay isbitaalka guud ee caasimada Dawlada Puntland ee Garowe markii isbitaalka laga waayey dhamaan adeegyadii asaasiga ahaa ee uu dadweynaha u qaban jiray, ayna inta badan joojiyeen dhakhaatiirtii ka shaqayn jiray inay u shaqa tagaan.

Isbitaalka ayaa laga jartay biyihii, waxaana soo food saaray daruuf dhaqaale oo adag, waxaana la waayey dhamaan dhaqaalihii lagu fulin lahaa adeegyada Isbitaalka ka socda, dhakhaatiirtii iyo kal-kaalisooyinkii ka hawlgeli jirey isbitaalka ayaa intooda badan joojiyey shaqadii ay ka hayeen.

Maxaa sababay in Isbitaalka Garowe uu qarka u saaran yahay inuu is xiro?

Dhamaan hay’adihii caawin jirey isbitaalka ayaa joojiyey caawimadii ay ku bixin jireen, inkastoo sanadihii u danbeeyeyba uusan Isbitaalku wax badan ka helin hay’ado caalami ah hadana marba meel ayey xaaladiisu soo maraysay, waxaana muuqata inuu maanta taagan yahay meeshii ugu danbaysay, iyadoo sababta ugu weyna tahay daruufaha dhaqaale ee soo food saaray.

Wasaarada Caafimaadku shaqadeedii ma gabtay?

Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadku way u muuqataa isbitaalka guud ee Garowe, sidoo kale illaa shan kamida masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradan oo ay kamid yihiin Wasiirka iyo agaasimaha guud waxay kasoo jeedaan magaaladan, waxaana muuqata iskadaa wasaaradu inay wax ka qabato caafimaadka degaanada fog-foge waxay ku guul daraysatay inay adeeggii asaasiga ahaa siiso isbitaalka magaaladii saldhiga u ahayd wasaaradan, waxaana marag madoonta ah inaysan Wasaarada caafimaadku masuuliyad iska saarin daryeelka xarumaha caafimaadka guud ahaan Puntland, taasina waxay ka marqaati kacaysaa inay ku guul daraysatay wax yaabihii loo igmaday.

Saamayn intee le’eg ayey isbitaalka ku yeesheen xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay?

Inta badan maamulayaasha Isbitaalka guud  ee Garowe iyo madaxda ugu saraysa Wasaarada Caafimaadku waxay bartamaha magaalada ku leeyihiin xarumo caafimaad oo ay gaar u leeyihiin, sidoo kale dhamaan dhakhaatiirta ka hawlgala isbitaalka guud waxay sidoo kale ka shaqeeyaan xarumahan gaarka loo leeyahay, waxaana muuqata masuuliyiintii loo igmaday adeegga dadweynuhu inay tan guud ka door bidaan sidii ay si wanaagsan ugu socon lahaayeen kuwooda gaarka ah.

In badan oo kamida dadweynaha magaalada Garowe waxay aaminsan yihiin in Isbitaalka loo dayacay sababo la xiriira dano gaara iyo sidii loo socodsiin lahaa goobaha ganacsiga u furan.

Doorka maamulada Gobalka Nugaal, degmada Garowe iyo dadweynaha

Sidoo kale waxaa meesha ka baxay dhamaan doorkii maamulka gobalka Nugaal iyo kan degmada Garowe, waxayna masuuliyiintani ku hawlan yihiin wax yaabo aan muhiimad badan lahayn, halkii ay maanta wax ka qaban lahaayeen xaaladan adag ee soo food saartay Isbitaalka, mararka qaar waxaa la is waydiin karaa tolow masuuliyiintani ma oga miyaa in  hagaajinta caafimaadku kamid tahay tirarka ugu waaweyn ee masuuliyadooda shaqo.

Sidoo kale waxaa muuqata inay meesha ka maqan tahay guud ahaan doorkii ay dadweynuhu ku lahaayeen wax ka qabashada iyo taageerada isbitaalka, odadayaasha magaalada, dhalinyarada, ganacsatada iyo bahda caafimaadka magaalada ayaan wax masuuliyada iska saarin xaalada adag ee isbitaalka ka taagan.

 

Isku soo wada duubo xaaladan ka taagan Isbitaalka guud ee magaalada Garowe ayaa kusoo aadaysa xili lagalay wakhti roobaadkii markasta oo roobabku bilowdana waxaa siyaada daruufaha caafimaad ee soo wajaha dadka danyarta u badan oo ahaa dadweynaha ugu badan ee uu isbitaalkani u adeegi jirey.

PUNTLAND POST