Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir oo lagu sameeyay nashqadeyn iyo qalabayn

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta booqday garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe, kaas oo hada ka socoto nashqadeyn iyo qalabayn.

Booqashada Madaxweyne Gaas ee garoonka diyaaradah Garowe waxaa ku wehelinaayey Wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale, wuxuuna Madxweynuhu mudadii uu ku guda jiray booqashadiiisa kormeer ku sameeyey dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay garoonku.

Qeybta dejinta iyo rarida xamuulka diyaaradaha ee garoonka ayaa mudadii Madaxweyne Gaas booqashada ku joogay lagu soo bandhigay galabka socodsiinta shaqada oo ahaa mid casriya oo loogu talagalay in si dhamaystiran loogu hawl galo.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe oo ah mid caalamiya waxaa dhisay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana 8dii Janaayo ee sanadkan xariga ka jaray Madaxweyne Farmaajo.

Garoonka waxaa mudooyinki danbe ka socday nashqadayn iyo qalabayn taas oo hada mareysa gebogebo, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda garoonku si toos ah u shaqo bilaabo.

PUNTLAND POST