Dekadda Bosaso oo maalintii afraad xiran

Dekedda Bosaso

Dekadda magaalada Boosaaso ayaa maalintii afraad xiran kadib markii ay ganacsatada wax kala soo dega ay diideen lacago dheeraad oo ay soo rogtay shirkad dhawaan la sameeyey oo loogu talagalay hubinta tayada badeecadaha kasoo dega dekadda.

Ganacsatada ayaa sharci daro ku tilmaamay lacagaha dheeriga ah ee lagu soo rogey waxayna diideen inay maciishadooda kasoo dejiyaan dekadda, waxaana banaanka hore ee dekadda taagan dhamaan gaadiidkii dekadda u socdey.

Illaa hada wax wara kama soo saarin Dawlada Puntland arintan taagan, mar ay PUNTLAND POST isku dayday inay xiriir la samaysana masuuliyiinta Wasaaradaha dekadaha iyo Maaliyada uma aysan suura gelin.

Wararka kasoo baxaaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Dawlada Puntland ay dadaal ugu jirto xalinta xirnaashaha dekadda.

Dekadda Bosaaso waa isha dhaqaale ee Puntland, mar kasta oo ay arintani dhacdana waxay saamayn ku yeelataa dhaqaalaha guud ahaan degaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaraya shirkada Tayo dhowrka Puntland

Shirkadaha ganacsiga Soomaaliya ayaa dalka keena badeecado aan tayadooda la baarin oo qaarkood dhaceen, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed u geysta dhibaatooyin caafimaad daro.

Balse Puntland ayaa markii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya  ku guuleystay in ay sameyso shirkad ilaalisa tayada badeecadaha soo gala deegaanada Puntland.

PUNTLAND POST