Shir looga arrinsanayey dejinta siyaasad muhim u ah shaqaala Puntland oo lasoo af-meeray

Shirkaan oo noqonay kii afraad ee noociisa ah isla markaana dabo jooga saddex shir oo isaga ka horreeyey oo looga arrinsanayey dejinta siyaad lagula soconayo hannaanka shaqo gudasho ee shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa maanta lagu soo gunaanadayaa magaalada Garoowe, waxaana shirkaani shir furay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah Mustafe Saciid Shabac waxaa isaguna  goob joog ahaa  guddoomiye kuxigeenka hay’adda shaqaalaha  Mudane Jaamac Xirsi Faarax.

Shirka ayaa labadiisii qaybood ee hore waxa looga tashanayey muhiimadda ay siyaasaddaani u leedahay shaqaalaha dawladda waxaana ka talo bixinayey shaqaalaha rayidka ah ee dawladda kuwaas oo ay iyaga si gaar ah u khusayso iyadoona ay goob joog ka ahaayeen khuburo caalami ah oo ka socotey Baanka adduunka.

Qaybtii saddexaad ee shirkaan ayaa waxaa isugu yimi dhammaan agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha dawladda si ay u lafo guraan talooyinkii lasoo diyaariyey isla markana ay u ansixiyaan iyagoo ku daraya talooyinkooda maadaama ay iyagu yihiin cidda hadhow fulin doona siyaasaddaan.

Qaybta afraad ee ugu dambaysa oo maanta loo fadhiyo ayaa waxaa xoogga lagu saaray in dib loo eego dhammaan shaqooyinkii lasoo qabtay dhowrkii shire e hore kaddibna maanta lasoo gunaanado si loogu gubdiyo hay’adaha fulinta ee dawladda kadibna marka ay ansixiyaan loogu dabokho shaqaalaha.

Siyaasaddaan ayaa marka la hirgeliyo waxay shaqaalaha ku dhiirri gelin doonta inay sameeyaan xil-gudasho wanaagsan iyo tartan dhexdooda ah maadaama uu qofka shaqadiisa kasoo baxaa heli doono abaal marin isugu jirta korodhsiimo mushaar iyo dallacsiin, halka qofka gudan waayaana uu heli doono taa cagsigeed.