Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Puntland oo Garoowe shir uga furmay

Kulan ay magaalada Garoowe ku yeesheen dhammaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda Puntland ee ka faa’iideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalaha iyo hay’adaha aan  qaybta ka ahayn Mashruuca ayaa saaka ka qabsoomay Wasaaradda Qorshaynta Puntland.

Kulanka ayaa dabo joogey mid isaga ka horreeyey oo looga hadlayey dejinta siyaasad lagula socon doono tayada shaqo gudashada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, taas oo maanta ay agaasimeeyaasha iyo lataliyeyaal caalami ahi ay ka samayn doonaan wada tashiyo rasmi ah si loosoo gebagebeeyo loona hirgeliyo maadaama ay agaasimeyaasha guud ee hay’adaha dawladdu yihiin cidda fulin doonta siyaasaddan marka lsoo gunaanado.

Siyaasadda lagula soconayo laguna qiimayn doono tayada shaqo gudasho ee shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa  muhiim u ahaan doonta shaqaalaha rayid ah, waxayna kala saari doontaa shaqaalaha ku habboon shaqada iyo midka aan ku habboonayn ee u baahan iyo tayadiisa xirfadeed iyo aqooneed kor loosoo qaado lana geeyo meel uu ku habboon yahay.

Dejinta siyaasaddan iyo shirarkaan wadatashiyada ah  ee looga arrinsanayo sidii loo hirgelin lahaa siyaasaddana ayaa waxaa dawladda ka caawinaya xeeldheereyaal caalami ah oo ka socoto Baanka adduunka