Madaxweyne Gaas oo sheegay In Imaaraadka uu Kala hadlay Khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya

Bosaso[Puntland Post] Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kadib safar maalma qaatay oo uu ku tegay Imaaraadaka Carabta.

Madaxweyne Gaas ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Boosaaso waxa uu ku faah faahiyey ujeedadii u u tegay Dubai iyo kulamadii uu la soo qaatay madaxa Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sheegay MadaxweyneCabdiweli Gaas in sababta isaga iyo Wafdigiisa ay u tageen Dalka Imaaradka Carabta ay ahayd arimo la xiriira Amniga Puntland iyo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland, waxaana uu sheegay in wadahadaladii ay layeesheen Imaaraadka uu guul ku soo dhamaaday .

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Imaaardka Carabta uu kala hadlay  wixii kaga aadanaa dhexdhaxaadinta khilaafka u dhexeeya dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta.

Ugu dambeyn Gaas ayaa ka hadlay fatahaada qaar ka mid ah gobolada dalka uu ka geystay Wabiga Shabeelle,isaga oo sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmad loo sameynayo dadkaas.