Dhageysiga khudbadah musharixiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la soo gabababeynayo

Waxaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in markale xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiintaan oo tiradooda ay tahay 11 musharax ayaa ah Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay waxaa Xildhibaanadu ay dhageysteen khudbada 6 musharax waxaana maanta ay dhageysanayaan khudbadaha 5-ta musharax ee soo hartay.

Maanta ayaana qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo dhageysiga khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Hooska ka Akhriso Xildhibaanada khudbadaha Jeedinayo Maanta.

1- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

2- Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal

3- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

4- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

5-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

30-ka Bishaan oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo socoto ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho