Bosaso oo noqotey hoyga ugu halista badan xanuunka Duumada/Malaria

Sanad kasta maanta oo kale 25 April waxaa laga xusaa meelo badan oo ka mid ah caalamka maalinta duumada (Malaria) oo lagu iftiimiyo khatarta baahsan oo ay keenacadu u leedahay bini,aadamka.

Magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari waxay ka mid tahay magaalooyinka waaweyn oo laga xusay maalinta Malariyadda Adduunka, waxaana la sheegay inay tahay meesha ay ka jidho khatarta ugu weyn ee Duumadda deegaanada Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Hay,addo kale oo kala shaqeeya cudurka duumadda ayaa Bosaso ku qabtey munaasabad bulshada looga wacyigalinayo dhibaatada malariyadda, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo heer Wasiiro leh,Maamulka Gobolka Bari, Kan Degmada Bosaso iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Madaxa la dagaalanka Malariyadda Puntland Dr Abdikariin Xuseen Xasan oo ka hadlay munaasabada lagu qabtey Bosaso ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha sababay in Gobolka Bari oo aan awal duumada lahayn uu haatan noqdo meel ay ka jidho khatarta Duumada faafaysa, Wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in magaalada Bosaso noqotey hoygii malaariyadda.

Dr. Cabdikariim wuxuu sheegay in sanadkii 2017 dad gaaraya 5124 (Shan kun boqol labaatan iyo Afar qof) ay iska baareen goobaha caafimaadka, islamarkaana 1364 (Kun Sadex Boqol Lixden iyo Afar qof ) oo ka mid ah laga helay xanuunka duumada/malaria-yadda.

Dhinaca kale maamulka Gobolka Bari iyo Kan Degmada Bosaso oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabadaas ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan barkadaha laga dhisto guryaha dushooda, kuwaas oo ay sheegeen laftoodu inay qeyb ka yihiin dhibaatada caafimaad daro ee ka jidha deegaanka, taasna ay noqon karto xal wanaagsan oo looga hortagayo xanuunka duumadda.

Sidoo kale waxay ka codsadeen Wasaaradda Caafimaadka Puntland inay la timaado qorshe cad oo looga hortagayo dhibaatada malaariyadda, Iyaguna ay diyaar u yihiin fulinta qorshahaaas, balse wasaaradda laga doonayo marka horre inay la timaado qorshe.

Gabagabadii xaflada ayaa goobta lagu sameeyay baaritaan lacag la,aan ah oo ay ka faa,iideysteen ka qeybgalayaashii xafladda iyo madaxda ka socotay Dowladda Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST