Sh. Xasan Daahir Aweys oo fariin uu soo diray si kulul ugu weeraray kooxda Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran Dowladda Dhexe ee Somalia ayaa fariin uu soo diray wuxuu kaga hadlay xaaladda amaan ee Soomaaliya iyo arrimaha siyaasadda, Wuxuuna si kulul u weeraray kooxda Al-shabaab oo uu horay gua tirsanaa.

Aweys oo farriintiisu ay socotay 53-daqiiqo ayaa Waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ugu weyn dilalka Al-shabaab ay ka fuliyaan Somalia ee lagu beegsado dadka muhiimka u ah hogaanka bulshada iyo waayihii ururka Al-shabaab iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu-Mansuur].

Wadaadka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la dilo culumada, indheer-garadka, odayaasha iyo ganacsatada, isagoo in arrintan ay cadeyn u tahay inaan waxba la is-dhaamin, khaladaadkuna badan doonaan.

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay in Sh. Abuu Mansuur uu Al-shabaab ka caawiyay inay qabsadaan meelo badan oo waddanka ah, Wuxuuna sheegay in lagu abaal dhacay isagoo Cali Dheere ku cambaareeyey hadalladii uu ku sheegay inuu Abuu Mansuur diinta ka baxay.

”Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere wuxuu meelaha lahaa – Abuu Mansuur wuu ridoobay, marka qofkii ka hor-yimaada fikirkooda ma gaalbaa, Xitaa haddii qofka uu Khilaafada Islaamka ka hor-imaado Diinta miyuu ka baxay… Abuu-Mansuur waa ninkii gacanta idiin geliyay Gobollada Bakool, Bay iyo Hiiraan, sidaad u dhaqmaysaa iyo sida diintu tahayna isma-lahan,” ayuu ku yiri hadalkiisa Sheekh Xasan Daahir.

Dhanka kale, Wadaadku wuxuu Al-sshabaab ugu baaqay inay wax badan ka beddelaan habkooda dagaalka, isagoo ka digay inay dalka u hoggaamiyaan meel halkaan kasii hooseysa.

Ugu dambeyn, Hadalka Sheekh Xasan Daahir ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo madaxda Dowladda Somalia ay dhawaan sheegeen inay qorsheynayaan inay dagaallo ku qaadaan kooxda Al-shabaab si ay uga saaraan goobaha ay weli gacanta ku hayaan.

PUNTLAND POST