Ra’iisul Wasaare Khayre oo Qorsheynaya inuu buuxiyo Xilalka ka Banaan Golaha Wasiirada

Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Somalia ayaa waxaa ka bannaan Toddoba jago oo Wasiirradii hayay ay is-casileen intooda badan, iyadoo wasiirradii ugu dambeeyay ee xilalkooda iska-casila ay u tartamayaan xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somalia oo doorashadiisu ay dhici doonto 30-ka bishan aynu ku jirno ee Abriil, iyadoo lagu wado in dhawaan la buuxiyo xilalkan.

Wasiirradii is-casilay ee u dambeeyay waxaa ka mid ah: Wasiirkii Difaaca Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo lasoo magacaabay dhammaadkii bishii November ee 2017-kii iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Saalim Caliyoow Ibroow kuwaasoo ka mid musharraxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, Muddo fog bannaan Wasaarada Gargaarka iyo Bini’aadamnimada oo ay iska casishay Maryan Qaasim 15-kii November 2017-kii, kaddib markiii ay sheegtay inay ku shaqeyn karin isku dhex-yaaca Xukuumadda Kheyre iyo Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta, Iimaan C/llaahi Cali oo xilka laga qaaday 26-kii November ee isla sannadkii hore 2017 kii.

Dhanka kale, Waxaa iska haawanaya xilkii Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta Somalia oo uu banneeyay Inj. C/raxmaan Cumar Cismaaan loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho 20-kii January ee sanadkan 2018-ka.

Haddaba, Xilalka ka bannaan xukuumadda Kayre ayaa waxay kala yihiin;

  1. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga
  2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
  3. Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta
  4. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Bini’aadanimada
  5. Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta
  6. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  7. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa la sheegay inuu qorheynayo isku shaandheyn uu ku sameeyo Golaha Wasiirradiisa markii ugu horreysay, iyadoo xubno cusub lagu soo darayo Xukuumadda Somalia, isla markaana lagu xoojinayo shaqsiyaad baarlamaanka ku jira.

PUNTLAND POST