Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay ciidankii ay tababartay Dowladda Imaaraadka

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Ciidanka ku jira xerada Jen. Gordan ee ku taalla Degmada Hodan, kuwaasoo uu tababaray Imaaraadka Carabta.

Ciidamadaan oo tiradoodu tahay 270-askari oo 60 ka mid ah ay ahaayeen kummaanoos ee Imaaraadka uu tababaray ayaa gaadiidka waa weyn looga daabulay Xerada, waxaana iyadoo la galbinayo xarunta Wasaaradda Difaaca Somalia loogu geeyay Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka dhinacyadan dhexmaray oo qaatay wax ka badan saddex saac ayaa wuxuu khuseeyay xiisadii maalmahan ka taagneyd xerada Jeneral Gordan, gaar ahaan is-rasaaaseyntii dhacday maalin kahor ee u dhaxeysay Ciidanka Imaaraadka uu tababaray iyo kuwa xoogga dalka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa marka hore ciidamadan u sheegay inaysan jirin wax colaad oo dhexdooda ah, loona baahneyn in dib loogu laabto wax Alla iyo dhacay horeyna looga socdo.

“Waad mahadsan tihiin marka hore, waxaan idinkaga mahad-celinayaa inaad aqbasheen wicitaankeyga, wixii dhacay wayba dhaceen, mana ahan wax ku cusub ciidamada, waxaanan idin sheegayaa inaysan jirin cid wax loo heyso, khasaare waxaa inagu filan intii ku dhimatay iska-hor-imaadka, mana rabno in sidaas oo kale ay mar kale dhacdo, waxaad sameyseen wixii ciidan looga baahnaa oo ah inaad is-difaacdaan,” ayuu Farmaajo u sheegay ciidamadaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Somalia ayaa ciidamadaan u sheegay inay gaarsiiyaan ciidammada kale ee maqan, in shaqadooda ay dib ugu soo laabtaan, ayna muhiim tahay xerada jawigeedana in sideeda hore lagu soo celiyo.

“Aniga ayaa maanta ugu sarreeya Somalia, waxaan kaloo ahay taliyaha ugu sareeya ciidanka, waxaan idin balan qaadayaa inaad bil walba heli doontaan xuquuqdiina, Ciidamada maqan gaarsiiya fariinteyda dib ha ugu soo laabtaan xerada, arrintan saraakiishiina ayaan kala hadli doonaan oo aan kula xisaabtami doonaa,”  hadalkiisa raaciyay madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn, Xerada Jen. Gordan oo amaankeeda guud ay la wareegeen Ciidamada DANAB ee ka tirsan Kummaandooska Soomaaliya, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aanay jirin cid gudaha u galeysay ama ka baxeysay, balse hada dib ayaa looga qaaday xayiraada, waxaana soo laabanaya Ciidamadii ku kala firxaday iska hor imaadkii dhacay.

PUNTLAND POST