Madaxa Mashruuca ee CIP ee Soomaaliya oo hawlo shaqo kawada Garoowe

Madaxa mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee CIP ee Soomaaliya Mr. Alex oo maalmahan hawlo shaqo u joogey Garoowe ayaa kormeer shaqo waxa uu ku tegey inta badan hay’adaha ka faaiideysanay Mashruuca isagoo ay kormeerkiisa ku wehelinayeen xafiiska xiriir mashruuca ee Project Coordinator Unit (PCU).

Xarumihii uu kormeerka ku tegey waxaa kamid ahaa Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Hay’adda Shaqaalaha rayidka ah, Hanti dhowrka guud, Hay’adda Qandaraas bixinta iyo Jaamacadda Puntland State University.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd sidii uu wax uga ogaan lahaa isbedellada ku yimi xarumahaasi muddadii ay ka faa’iideysanayeen mashruuca, sidoo kale waxa uu ka waraysanayey qorsheyaashooda iyo waxyaabaha ay jeclaan lahaayeen in loogu daro mashruuca isagoona iyo talooyinkooda guud.

Waxaana uu kala kulmay dhammaan xarumahaasi in siweyn looga dareemay guulaha uu soo kordhiyey mashruucu iyadoo ay dhammaan xarumahaasi ka hawl galaan shaqaale lagu soo xushay aqoontooda isla markaana ay kusoo bexeen tartan furan.

Maalmaha soo socda ayuu booqan doonaa xarumaha kale ee aanu maanta booqan si uu xog buuxda oo dhammaystiran uga helo guud ahaan xarumaha dawladda ee nasiibka u yeeshay mashruucaan sida ay uga faa’iideysteen.