Liverpool oo guul ka gaartay Roma tartanka kooxaha Yurub iyo M. Salah oo wacdaro dhigay

Kooxda Liverpool ayaa xalay guul weyn ka gaartay kooxda reer Talyaaani ee Roma oo marti u ahayd, kulan ka tirsanaa lugta hore ee afar dhammaadka tartanka kooxaha horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga, kadib markii ay ugu awood sheegatay 5-2.

Mahamed Salah dhaliyaha reer Masar ayaa labo kamid ah goolasha Liverbool dhaliyay halka uu labo kale caawiye ka ahaa, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa saddexda gool oo kale dhaliyay.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qaladkii ugu waynaa sameeyay daqiiqadii 75-aad markii uu ciyaarta ka saaray  Mohamed Salah oo ay ku mashquul sanayeen difaacyada Roma, waxaan markaas kadib Roma la timd labo oo ay kala dhaliyeen Edin Dzeko iyo Diego Perotti dhammaadkii ciyaarta.

Roma ayaa hadda qabta rajadii wareegii hore ee  tartankan  oo ay Barcelona 4-1 kaga badisay lugtii hore, balse markii Talyaaniga lagu loogu yimid 3-0 ku badisay, sidaasna ugu soo baxday weraagan afar dhammadka, waxaana hadda laga rabaa hadii ay rabto in ay u soo baxdo ugu danbeynta tartankan in ay sameeyso wacdarihii oo kale.

Lugta labaad ee tartankan ayaa la ciyaari doonaa labada bisha soo socota ee May, waxaana labada kooxood tii soo baxadaa ay ugu danbeynta (Final) la ciyaari doontaa Real Madrid iyo Bayer Munich midkood oo caawa lugta hore wada ciyaari doona.

Mahamed Salah oo sanadkan aad u soo jiitay indhaha mucaashaqiinta kubbada cagta ayaa  dhaliyay 43 gool tan iyo markii uu sanadkii hore ka soo wareegay Roma, 10 kamid goolashaas waxa uu ka dhaliyay tartankan Champions League-ga .

Salah ayaa jabiyay rikoorka Afrikaanka ugu goolasha badan hal xili ciyaareed tartankan, waxaana horey u heystay Samuel Eto’o oo dhaliyay 9 gool.

PUNTLAND POST.

Garowe