Wasiirka Difaaca oo Xilkii iska-casilay lana Gudoonsiiyay Shahaadada Musharraxnimada

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa goor-dhaw ku dhawaqay inuu iska casilay xilkii wasiirka gaashaandhigga Somalia, kaddib markii uu isku sharrxay xilka guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo shalay laba xubnood oo golaha wasiirrada Somalia ka tirsan ay xilalkoodii iska-casileen, kaddib markii ay sheegeen inay u taagan yihiin xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in warqaddii uu wasiirka difaaca isku-casilay uu u gudbiyay guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka, iyadoo isla maanta la guddoonsiiyay shahaadaha musharraxiinta u tartamaya xilka guddoonka baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, Wasiir u dowle iyo wasiir ku xigeen ayaa Isniintii shalay ahayd iska casilay xilalkii ay ka hayeen golaha wasiirrada, iyagoo iyagana qaatay shahaadadii ay uga qayb-geli lahaayeen doorashada.

Dhanka kale, Guddiga Doorashada ayaa horay u soo jeediyay in musharraxii doonaya inuu doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ka qayb-galo uu marka hore iska casilo xilka uu hayo.

Ugu dambeyn, Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose ee Golaha Baarlamaanka Somalia ayaa waxay dhacaysaa 30-ka bishan, iyadoo ay ku tartami doonaan xildhibaanno iyo wasiirrada is-casilay.

PUNTLAND POST