Puntland oo marti-gelinaysa shir ku saabsan xasilinta Amniga Koonfurta Soomaaliya

Dowladda Puntland ayaa marti-gelinaysa shir ku saabsan Xasilinta Amniga Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo lagu casumay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Amniga Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan Koonfurta Soomaaliya.

Shirkaan ayaa sida qorshuhu yahay maalinta berri ah ka furmaya,caasimadda Puntland ee Garoowe,waxaana ka qeyb galaya Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Wasiirada Amniga maamul goboleedyada Koonfurta Soomaaliya.

Wasaaradda Amniga dowladda Puntland ee shirkaan marti-gelinaysa ayaa khibraddeeda la xiriirta sugidda amniga  la wadaagaysa mas’uuliyiinta ka socda  Koonfurta Soomaaliya,si loo xasiliyo Amniga Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay weli ku xooggan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab,islamarkaana ay ka socdaan dagaallo iyo qaraxyo joogta ah.

PUNTLAND POST