Kenya oo Joojisay Xaflad lagu Taageerayay C/raxmaan C/shakuur iyo isagoo ka Hadlay

Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa maanta joojisay xaflad lagu soo dhaweyn lahaa C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dowladda Somalia, joojinta xafladda kaddib ayuu isagana ka hadlay.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababta loo joojiyay xafladdan ay ahayd inaanay ogoleyn in Dowladda Somalia laga mucaarado gudaha dalka Kenya.

“Innagu ma doonayno in Dowladda Somalia laga mucaarado gudaha dalkan; mana jiro codsi nooga yimid dowladda Somalia ee sharcigeenna ayaan taas ogoleyn,” ayuu yiri Aadan Barre oo ah ninka Soomaaliga ah ee ugu awoodda badan dalka Kenya.

Intaas kaddib, ayaa isagana hadlay C/raxmaan C/shakuur Warsame, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay hab-dhaqanka Dowladda Farmaajo ee ah in ay bartimaameedsato siyaasiyiinta ka aragtida duwan, wuxuuna rally-gelin u diray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee xafladda kasoo qayb-geli lahaa.

“Waxaan ka raalli-gelinayaa shacabka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool iyo taageerayashayda baaqashada kulankii soo dhowaynta ahaa ee Nairobi ka dhici lahaa maanta. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bar-tilmaameedsiga siyaasiyiinta ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir,” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in isaga iyo Farmaajo ay sannad ka hor xaflad ay ku mucaaradayaan Dowladdii Xasan Sheekh ay ku qabteen Nairobi oo loo diiday maanta inuu xaflad taageero ah ku qabsado.

“Waxaa xusuus mudan in aniga iyo madaxweyne Farmaajo sanad ka hor aan magaalada Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu si kooban u yiri Warsame.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan laga qaaday siyaasigan xayiraad dhanka duullimaadka ah oo lagu soo rogay, taas oo ka dhalatay weerarkii lagu qaaday gurigiisa.

PUNTLAND POST