Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo qaaddacday shir ku soo xirmay Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba qaaddacday, qodobadii ka soo baxay Shirkii Bed-qabka Suxufiyiinta ee maalmo ka hor ku soo xirmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qodobka ugu weyn ee shirkaasi ka soo baxay ayaa lagu sheegay samaynta guddi Qaran oo qaabilsan bed-qabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed,kaasoo ka kooban 11 xubnood oo ka kala  imaanaya dowladda Federaalka,Warbaahinta dalka iyo bulshada rayidka ah. Haye yeeshee Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa shirkaasi ku tilmaantay”mid ku kooban gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo keliyah”.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) oo caawo wareysi gaar ah siiyay PuntlandTV,ayaa sheegay in shirka iyo qodobada ka soo baxay midna aan wax door ah laga siin dowladaha xubnaha ka ah Federaalka  oo ay Puntland ku jirto,sidaasi darteedna aysan khusayn go’aannada laga soo saaray.

PUNTLAND POST