Ruux Meyd ah oo laga soo saaray Bali ku yaala Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka ee Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maydka ruux rayid ahaa laga helay war ku taala duleedka Hargeysa.

Ruuxaan maydkiisa laga helay ayaa Wartaasi ku dabaalanayay iyada sidaasina uu ugu geeriyooday.

Dadka ku dhaqan halkaasi ayaa ku wargaliyay ciidamada waxaana goobtaasi gaaray ciidamada oo Maydka qofkaasi ka soo saaray baligaasi.

Roobab mahiigaan ah ayaa baryihii ugu dambeeysay waxa ay ka da’ayeen Magaalooyinka Somaliland.

Dhowaan ayey aheyd markii 2 ruux ay ku geeriyoodeen war ku taala Magaalada Hargeysa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post