Shirweynaha Madasha bandhigga tayada maamul ee hay’adaha Puntland oo Garoowe ka furmay

Shirweynaha Madasha bandhigga tayada Maamul ee Hay’adaha dawladda Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe waxaan shirkaasi furay Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji cumar Camey.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socdey  goleyaasha dawladda Puntland, Xubno meteleyey dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada, masuuliyiin iyo shaqaale ka hawl-gala hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland iyo guddiga xiriirka Mashruuca CIP ee tayaynta shaqaalaha ee PCU, Hay’ahadaha caalamiga ah ee Puntland ka howlgala  iyo marti sharaf kale.

Muddii uu shirku socdey ayaa waxa lagu soo bandhigay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay dhismaha iyo tayaynta hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland laga soo bilaabo 1998 oo ah xilligii la dhidibada loo taagey Puntland  ilaa hadda iyo weliba marxaladihii ay soo maraysey.

Sidoo kale markii ay dhammaadeen khudbadihii madaxdu ayaa waxaa bilowday dood ku saabsan hannaanka maaraynta shaqaalaha dawladda Puntland taas oo ay bulshadu  su’aalo kuweydiinayeen Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland.

Doodda  ayaa waxaa qaybteeda ugu badan lagu lafo guray habka loo qaato shaqaalaha dawladda, caqabadaha lagala kulmo hannaankaasi iyo siyaabaha loo xalliyo, sidoo kale doorka musuq maasuq iyo sida ay dawladdu ula dagaallanto iyo hannaanka hufnaanta maamul wanaagga ayaa looga hadlay dooddaasi.

Shirka ayaa socon doona muddo labo maamlmood ah iyadoona la doonayo geba gebada in qodobbo muhim ahi kasoo baxaan isla markaana la qorshaynayo inay noqo madal joogto ah oo hadba dalka meel lagu qabto si ay u noqoto madal looga faa’iideyso bandhigga tayada maamul ee Qaranka.