Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Qatar

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa wasaaradda gaashaandhigga, kaga guddoomay Warqadaha Danjiranimo Safiirka Qatar ee loosoo Magacabay Soomaaliya, Xasan Xamsa Asad.

Danjire Xamsa ayaa madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, Wuxuuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey Amiirka Qatar iyo Dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Somalia, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu mira dhal u noqdo danaha labada dal.

Ugu dambeyn, Tallaabadan uu madaxweynuhu waqadaha aqoosniga uga guddoomay danjiraha cusub ee Qatar ayaa waxay imaanaysaa iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Imaaraadka Carabta iyo Somalia.

PUNTLAND POST