Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somalia oo la Magacaabay


Muqdisho (PP) ─
Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa soo bandhigay Magacyada xubnaha guddiga qaban-qaabada doorashada ee guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka doodaya xubnahaan la magacaabay  oo ka kooban 15-xubnood, Waxaana dood ka dib la filayaa in xildhibaannada golaha shacabka ay meelmariyaan.

Kursigan oo hadda ay sheegeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya inay u taagan yihiin qabashadiisa ayaa waxaa iska-casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo is-casilaadiisa ay ka dambeysay khilaaf in muddo ah soo jiitamayay.

Sidoo kale, xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Smalia ayaa waxaa isku soo taagay dhawr musharrax oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Difaaca DF, Maxamed Mursale Sh. C/raxmaan, Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow, Xil. Sheekh Aadan Madoobe, Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Somalia Sharif Sheekhunaa Maye iyo xubno kale.

Ugu dambeyn, Haddii xubnahan la meel-mariyo waxaa lagu wadaa in lagu soo doorto guddoomiyaha cusub muddo 15 casho gudaheed ah oo iyadoo laga soo billaabayo muddadaas markii uu is-casilay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.

Haddaba, AKHRISO: Magacyada Guddiga Doorashada Guddoomiyaha BFS;

PUNTLAND POST