Guddiga Doorashooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka oo lagu dhawaaqayo

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa in ka badan bil kadib maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa.

Xildhibaanada ayaa kulamadoodii hore waxa hareeyay khilaafkii u dhaxeeyay xukuumada iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamaed Cismaan Jawaari.

kulanka Maanta ayaa waxaa shir gudoomin doono ku simaha gudaha ahna Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdiwali Sh. Ibraahim Muudeey.

Xildhibaanada ayaa dooran doonto xubnaha guddiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kadib iscasilaadii jawaari.

Guddigaan ayaa ka koobnaan doono 15 Xubnood kuwaasi oo ka shaqeeyn doono doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Musharaxiin badan oo ka soo jeedo maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay dhowaan in ay yihiin musharixiin u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho