C/WELI MUUDEEY: Dastuurkii Saxda ahaa ee ergadu ay horay u ansixiyeen waa la xaday


Muqdisho (PP) ─
Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamanaka Somalia ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in dastuurka hadda lagu dhaqo dalka uusan aheyn kii saxda ahaa ee ay Ansixiyeen ergada Soomaalida Sannadkii 2012-kii.

Mudane C/weli Muudey ayaa sheegay in dastuurkii saxda ahaa la xaday oo aan la ogeyn meel lagu sheego sida uu hadalka u dhigay. Isagoo intaas ku daray in dastuurka qabyada ee Somalia uu yahay mid laga soo turjumay afaf qalaad, isagoo ku baaqay in la xafido dastuurka howshiisa socoto.

“Dasturuka hala ilaaliyo, sida kii hore loo xaday oo kale yaa la waayin, dastuurka aan hada ku shaqeyno ma ahan kii saxda ahaa ee ergada Soomaaliyeed ay ansixiyeen, anaga indhoole ma nihin, caqli la’aan ma nihin waa ognahay, haddii loo baahdana waa la heli karaa dadkii ka dambeeyay,” ayuu yiri Muudeey.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa hadalkan ka sheegay kulankii uu maanta yeeshay baarlamaanka Somalia, kaasoo lagu magacaabay xubnaha qaban-qaabinaya doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka DF oo dhawaan dhici doonta.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada ku shaqada leh dib u eegista Dastuurka ayaa wada kulamo wadatashi ah oo looga gol leeyahay in dastuur aan qabyo aheyn oo loo dhan yahay la qoro.

PUNTLAND POST