Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inay billabayaan canshuurtii Guryaha Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in dhowaan la bilaabayo canshuurta guryaha, isla markaana guryaha degmooyinka ku yaalla la diiwaan gelinayo, si xuquuqda lagu lahaa ku bixiyaan.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka Maaliyadda ee Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in dakhliga lagu horumarinayo magaalada in laga soo saaro dadweynaha, isla markaana loogu fuliyo adeegyada ay u baahan yihiin.

“Waxaa bilaabi doonaa dhowaan canshuurta guryaha, haddaan dakhli la abuurin, suurta gal ma noqonyo in dakhli aan anaga leenahay soo saarano, marka waa in aan anaga leenahay dakhliga aan soo saaranay oo aan aheyn midka aan dibadda ka soo tuugsanay”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda.

Waxaa uu sheegay in dakhliga ay dib ugu celin doonaan dadka, si loogu fuliyo adeegyada sida waddooyinka burbursan iyo wax ka qabashada roobabka waddooyinka xiray

Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii shacabka guryahooda loogu geyn lahaa adeegyada aas aasiga, isla markaana degmo walba ay yeelato laamo bixin kara adeegyada.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka hirgelinayay degmooyinka xarumo loogu adeeganayo bulshada, isla markaana degmo walba la geeyay adeegyadii ay xarunta dowladda hoose u tagi jariin.

PUNTLAND POST