Maxkamadda Ciidamada Somalia oo Maanta Xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Baladweyne (PP) ─  Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Qaybteeda 27-aad ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxay xukunno ku riday eedeysanayaasha magacyadoodu kala yihiin; Yuusuf Xuseen Ibraahim oo 31-jir ah iyo Aadan Cabdullaahi Xasan oo 25-jir ah.

Xeer-ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa raggan ku eedeeyay inay yihiin burcad hubeysan oo caadeystay dhaca shacabka ku nool xarunta Gobolka Hiraan ee Baladweyne.

Yuusuf Xuseen Ibraahim oo 31-jir ah iyo Aadan C/llaahi Xasan oo 25-jir ah ayaa lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Raggan oo dacwadooda loo fariistay 16-kii bishan ayaa ugu dambeyn waxaa lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ciidan ah, cidii aan ku qacin ayaa la sheegay inay u furan tahay inay furan racfaan ka qaataan.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa xukun ku riday Abuukar Yuusuf Ibraahim oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kaddib markii uu ka baxay difaacii lagu ogaa oo uu la diriray dad shacab ah, lagana qaatay qorigii uu watay, laakiin shacabka qoriga ay kusoo ciliyeen taliska ciidanka, Waxaana ugu dambeyn lagu xukumay afar sano xabsi ciidan ah.

Dhaka kale, Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada Qaybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan, Maxamed C/lle Aadan ayaa Maxkamadda ka hor akhriyay xukunka raggan lagu riday.

Ugu dambeyn, 28-kii Maarso ee Sannadkaan ayaa maxkamadda Ciidamada ee Gobolka Hiiraan waxay xukuno kala duwan ku riday ilaa shan qof oo midi ay haweeney ahayd, kuwaasoo qaarkood ka maqnaa gacanta hay’adaha amniga.

PUNTLAND POST