Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta magacaabayo Safiiro

Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo kulankoodii qamiislaha ah maanta ku yeelanay Xafiiska Ra’isilwasaaraha ayaa magacaabayo safiirada qaar kamid ah wadamada caalamka.

Safiiradaan ayaa tiradooda lagu sheegay 11 safiir kuwaasi oo badali doono safiiro hore shaqadaasi u baneeyay.

11 Dal oo caalamka ku yaala ayaa hadda aanay joogin safiiro rasmi ah hayeeshee waxaa jooga ku simayaal iyo safiiro ku xigeeno.

Dowlada Soomaaliya ayaa iska dayeeysay baryihii ugu dambeeysay in ay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamka.

Shirka Golaha wasiirada ayaa sidoo kale lagu wadaa in looga hadlo xaalada amniga iyo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo xumaaday.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho