Cabdiraxmaan Cirro “Siilanyo waa Danbiile Qaran Muuse na ha iscasilo”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Somaliland ee Wadani Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo Wariyaasha kula hadlay goordhow Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo iyo Madaxweynaha hadda talada haya ee Muuse Biixi.

Cirro ayaa sheegay in Siilaanyo uu yahay Dambiile Somaliland qiyaameeyay islamarkaasina uu mudunyahay in Maxkamad la soo taago.

Dhanka kale Muuse Biixi ayuu ugu baaqay in uu is casilo islamarkaasina uu shacabka Somaliland Cafis weydiisto.

Cirro ayaa ku eedeeyay Siilanyo iyo Muuse in ay ku xadgudbeen wax uu ugu yeeray madaxbanaanida Somaliland islamarkaasina ay qiyaameeyeen shacabka Soomaaliland.

Cirro ayaa ka carooday war shalay ka soo yeeray Wasiiru dowlaha arimaha dibada ee Imaaraadka oo sheegay in heshiiska Dekeda Berbera ay Imaaraadku la galeen dowlada Soomaaliya, Somaliland aanay aqoonsaneyn.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post