Madaxweyne Waare ”Inta aan Ramadaanka la gaarin ayaan Xureyn doonaa Deegaannada naga maqan”

Baladweyne-[Puntland Post ] Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmahaan ku sugan Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegay in uu dhamaaday Wajiga koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in dhawaan uu bilaaban doono wajiga labaad, kaas isla markaana laga saari doono deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in howlgalkii ugu dambeeyey guulo waaweyn laga gaaray,sidoo kale ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post