Madaxweyne Farmaajo oo Taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Waddanka Masar

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Masar cabdifataax al-Sisi, sida ay baahisay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay al-Sisi guushii uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimo ee dhawaan ka dhacday waddanka Masar, isagoo u caddeeyay in dib u doorashadiisa ay gacan weyn ka geysaneyso xoojinta xiriirka labada waddan.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa iska wareystay arrimo kala duwan oo khuseeya labada waddan oo ay ka mid tahay tallaabooyinka wax ku ool ah ee ay qaadday Xukuumadda Federaalka Somalia ee dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay dhiggiisa Masar Taageerada joogtada ee dowladdiisa ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu xusay in Dowladda Soomaaliya ay sii adkeynayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Masar al-Sisi ayaa dhankiisa adkeeyay inay Masar gacan ka geysan doonto dadaalada ay dowladda Federaalka Somalia ku dooneyso inay ku xasiliso dalka, isagoo soo dhoweeyay guulaha la taaban talo ee ay ku tallaabsatay bilihii la soo dhaafay.

Ugu dambeyn, Waa markii labaad oo Madaxweyne Somalia Farmaajo khadka taleefanka kula hadlo madaxweynaha waddanka Masar Cabdifataax al-Sisi.

PUNTLAND POST