Xukuumadda Imaaraadka oo ka hadashay cidda ay la gashay Heshiiskii Dekedda Berbera

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Imaaraadka Carabta oo xiriirka kala dhexeeya Dawladda Federaalka Somalia uu sii xumaanayay mudooyinkii u dambeeyay ayaa markii ugu horreeyey ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan xiriirkaas, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Somalia.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Imaaraadka, Anwar Maxamed Qarqaash ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada guud ee Somalia, balse aysan jirin cid ay gaar u aqoonsan yihiin.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska Dekedda Berbera oo la filayo inuu muranka dhaliyay ay kala hadleen Dowladdii ka horraysay tan hadda ka jirta Somalia ee uu hoggaaminayo Farmaajo.

“Arrinta heshiiska dekedda Berbera waxay ku dhacday is-fahan cad oo aan la yeelannay Xukuumaddii hore ee Somalia, waxayna ahaayeen kuwo cad-cad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin, xiriir gaar ahna lama lihin Somaliland. Waxaan kaalin fududeyn ah ku lahayn inaan kulammo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Abu Dhabi iyo Dubai. Kaalinteennu waxay ahayd fududayn. Is-fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsan-nahay siyaasadda Soomaali mid ah inaysan naga reebayn dhinacyada horumarinta, gargaarka aadaminimo iyo kaalmada in aan Somaliland ka sameyno,”. ayuu yiri Anwar.

Wasiir u dowlaha u hadlay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay arrinka khilaafka ka gasho wadahadal furan oo aan lagu qaban qol xiran.

“Haddii ruux ku caawinayay 20 illaa 25 sano ay wax idin dhex-maraan waa inaad kala hadashaa. Ma ahan in aad qabsato 47-askari oo Imaaraadka u dhashay oo ciidamadaada tababaraya oo ku dhawaad 10-malyan oo Doollar oo ah wixii ku baxayay ciidan badan oo Somai ah siday oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran. Maya… Maya..  Sidaas hawsha kuma dhamaanayso. Waa in arrintu cadaataa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Xiriirka labada Waddan ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Todobaadkii hore ay Dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag ku dhaw 10-milyan oo Doollar oo la sheegay in lagu qabatay garoonka dayaaradaha ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Hadal ay soo saartay Dowladda Imaaraadka Carabta ayay ku sheegtay inay joojisay gabi ahaan hawlihii ay ka wadday Somalia, Waxaana billowday dhaqdhaqaaqyo uu alaabbadiisa kaga qaadanayo Muqdisho.

PUNTLAND POST