Ciidammo ka socda Waddanka Sierra Leone oo gaaray Magaalada Kismaayo ee Jubbaland

Muqdisho (PP) ─ Ciidan booliis ah oo ka socda dalka Sierra Leone, ayaa la geeyay magaalada Kismaayo, kaddib markii ay kasoo dageen Muqdisho, iyadoo ay xigi doonaan ciidammo kale oo xoojin ah.

Tiradda ciidamadan ayaa waxay gaarayaan 145 askari oo isugu jira Askar iyo saraakiil waxayna qayb ka noqon doonaan tayeynta iyo tababaridda ciidanka booliska ee ka howlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa horay waxaa ugu sugnaa illaa 15 saraakiil oo boolis ah, kuwaasoo ka socda Waddanka Sierra Leone, iyadoo imaatinka 145 Askari oo kalana lagu xoojinayo saraakiishaas, waxaana tirada guud ay noqonaysaa ilaa 160-qof oo isugu jira Saraakiil iyo askar booliis ah.

Sidoo kale, Ku-simaha taliyaha ciidanka booliska AMISOM, Christine Alalo, ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan awood-siinta iyo tayaynta ciidammo booliis ah oo ka tirsan Jubbaland, kuwaasoo horay booliska AMISOM ay u tababareen.

“Hawl-galkooda ayaa noqon doona dhiirri-galinta booliiska Jubbaland. 2016-kii Waxaan Tababar siinay 600 askari oo booliis ah oo ka tirsan Jubbaland,” ayuu yiri Christine Alalo.

Dhanka kale, Sarkaalkan wuxuu sheegay in dalka Sierra Leone ay gacan ka geysan doonaan sidii loo dhisi lahaa loona xoojin lahaa hawlaha ay dalkan u joogaan.

Ugu dambeyn, dalka Sierra Leone ayaa waxaa horay looga joojiyay inay ka shaqeeyaan Somalia, kaddib markii uu dalkooda ka dillaacay cudurka halista ah ee Ebola kaasoo kumanaan qof ku dilay dalal ku yaalla Galbeedka Afrika.

PUNTLAND POST