Xildhibaan eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne kuxigeenka Puntland

Mudane ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay) ka dib shaqaaqo dad ku dhaawacmeen oo maalintii shalay ka dhacdey deegaanka God Qaboobe oo fariisin u ah Ciidamada Puntland.

Xildhibaan Cali Dhagacade ayaa sheegay  in labo qof oo rayid ah mid haween tahay iyo nin ganacsada ay ku dhaawacmeen iska hor,imaad shalay dhexmarey Ciidamo uu sheegay inuu Garowe ka direy Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Ciidanka Booliska Gobolka Sool ee Puntland.

Xildhibaan Dhagacade ku tilmaamay dhacdadaas mid aan la qaadan karin islamarkaana daba socota fashil uu sheegay inuu la daba joogo Madaxweyne Camay duulaamada Puntland qorsheynayso inay ku qaado maamulka Somaliland.

Dhinaca kale wuxuu baaq u direy Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu ka dalbadey inuu soo faragaliyo arrintaan, Sidoo kalena wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland inay isgarab taagaan dadaaladda Somaliland looga sifeynayo Gobolka Sool.

Daawo Muuqaalka shirka jaraa,iid ee Xildhibaanka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST