Shariif “Imaaraadka Soomaaliya wax fiican ayuu u qabtay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo wareysi siiyay TV-ga Al-Carabiya ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Shiikh Shariif ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireyn ah, islamarkaana madaxda dowladda Soomaaliya, Golaha Shacabka iyo Xukuumadda laga rabo inay u istaagaan sidii meesha looga saari lahaa dhibaatada taagan.

Sidoo kale Shiikh Shariif ayaa sheegay in xiriirka Soomaliya iyo imaaraadka carabta uu xoogeystay markii uu Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya.

 “Cilaaqaadka imaaraadka iyo inaga wuxuu xoogeystay xiligii aan madaxweynaha ahaa sidaa la socotaan booqashooyin joogto ah ayaan ku imaan jiray imaaraadka hogaanka uu ugu horeeyo shiikh khaliifa iyo Maxamed bin Sayid kulamo ayaan la qaadan jiray ,allaha ha ugu abaal gudo,  maalina ma aysan hakin caawinta Soomaaliya, tababarka ciidankana inaga ayaa ka codsanay madaama xiligaa aan dagaal kula jirnay Al-shabaab, waxaan  dooneynay waqtigaa dhisida ciidamadda waxaana hubaa in Imaaraadka uu door muhiim ah ka qaatay”, ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa kusoo aadaya xili uu xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Imaraadka Carabta ka dhaxeeyay kadib markii Hay’adaha amniga ay gacanta ku dhigeen boorsooyin lacagaha ah oo ku socday Safaaradda Imaraadka ee Magaalada muqdisho.

PUNTLAND POST