Millateriga Soomaaliya oo sheegay inay dileen Malleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada xoogga Somalia ayaa maanta sheegay inay 30 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan ay ku dileen dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan, Maxamed Nuur Caga-joog oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale ay ciidanku ka furteen Al-shabaab hub fara badan, kaddib markii uu dhex-maray dagaal muddo kooban socday.

“Dagaalka waxaan ku dilnay 30 ka tirsan xoogagga Al-shabaab, ciidamaduna waxay qabsadeen deegaannadii ay ku sugnaayeen,” ayuu yiri Caga-joog oo ku daray intaas. “Dagaalku wuxuu ka dhacay deegaanno ku teedsan jidka isku xira Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan.”

Sidoo kale, Caga-joog oo hadalka sii wata ayuu wuxuu mar kale yiri. “Sidoo kale waxaan kusoo furannay dagaalkan hub fara badan, innagoo xoreynay deegaano muhiim u ahaa Al-shabaab.”

Dhanka kale, Afhayeenku ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka ay la galeen Al-shabaab. Sidoo kale lama oga khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalka.

Ma jiro hadal ku saabsan dagaalkan iyo khasaaraha la sheegay inuu kasoo gaaray Al-shabaab oo ka yimid dhankooda, waxaana dagaalkaan uu qayb ka yahay dagaallo dhawaanahan gobolka Hiiraan ku dhex-marayay ciidamada Dowladda Somalia iyo xoogagga Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay muddo sannado ah dagaal kula jireen kooxda Al-shabaab iyagoo ka saaray deegaanno badan oo muhiim ah.

PUNTLAND POST