Madaxweyne Gaas:- Waxaanu leenahay qeyb kamid ah lacagtii Imaaraadka ee Muqdisho lagu qabtay

Bosaso [PuntlandPost] Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo Wareysi siinayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in ay lahaayeen qeyb ka mid ah lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in markii lacagtaas la qabtay uu la hadlay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Imaaraadka Carabta Mohammed Ahmed Othman Al-Hammad, uuna u sheegay in lacagta oo ah $9.6 Milyan oo doollar, ay $3.6 Milyan oo kamid ah ugu talagaleen Ciidamada PMPF ee Puntland oo ay iyagu tababaraan, sidoo kalena ay siiyaan Mushaarka.

‘’lacagtaa $3 Milyan iyo 600 oo Kun oo ka mid ah Puntland ayaa qeyb ahaan laheyd sida uu inoo sheegay safiirka, waayo Puntland waxaa ku sugan Kumannaan ciidamo ah oo ay tababaraan Imaaaraadka, lacagtaana waxaa loogu talagalay mushaarka iyo saadka ciidamada’’ ayuu yiri Madaxweyne Puntland Dr Gaas.

Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas ayaa markale beeniyay inay baxeen Saraakiishii Imaaraadka Carabta ee tababari jiray CIidamadda Badda Puntland ee loo yaqaan PMPF.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xili uu shalay booqday xarunta Ciidamada Bada ee Bosaso islamarkana uu Dawlada Imaaraadka Carabta uu ka codsaday in ay taageerada sii wadan.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso