Madaxweyne Gaas:- Waxaanu leenahay qeyb kamid ah lacagtii Imaaraadka ee Muqdisho lagu qabtay

Bosaso [PuntlandPost] Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo Wareysi siinayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in ay lahaayeen qeyb ka mid ah lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in markii lacagtaas la qabtay uu la hadlay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Imaaraadka Carabta Mohammed Ahmed Othman Al-Hammad, uuna u sheegay in lacagta oo ah $9.6 Milyan oo doollar, ay $3.6 Milyan oo kamid ah ugu talagaleen Ciidamada PMPF ee Puntland oo ay iyagu tababaraan, sidoo kalena ay siiyaan Mushaarka.

‘’lacagtaa $3 Milyan iyo 600 oo Kun oo ka mid ah Puntland ayaa qeyb ahaan laheyd sida uu inoo sheegay safiirka, waayo Puntland waxaa ku sugan Kumannaan ciidamo ah oo ay tababaraan Imaaaraadka, lacagtaana waxaa loogu talagalay mushaarka iyo saadka ciidamada’’ ayuu yiri Madaxweyne Puntland Dr Gaas.

Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas ayaa markale beeniyay inay baxeen Saraakiishii Imaaraadka Carabta ee tababari jiray CIidamadda Badda Puntland ee loo yaqaan PMPF.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xili uu shalay booqday xarunta Ciidamada Bada ee Bosaso islamarkana uu Dawlada Imaaraadka Carabta uu ka codsaday in ay taageerada sii wadan.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso

One comment on “Madaxweyne Gaas:- Waxaanu leenahay qeyb kamid ah lacagtii Imaaraadka ee Muqdisho lagu qabtay”

  1. MISANA WAA I KAN ( miyaanan tii hore lagu cilmi qaadan?)
    Waxaa soo laba kacleynaysa tii kala dhexmartay dawladda Federaalka ah iyo dawlado goboleeddada ee ka dhalatay khilaafkii Qatar iyo khaliijka. Miyaanan dawladda dhexe iyo dawlado goboleeddadu isku afgaran in wixii arima dibadeed ku saabsan meel looga soo wada jesto. Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland hadduu uunan indhaha is tireyn ama lacag raadis ahayn, wuu ogyahay in lacag ku dhaw US$ toban milyan aanan jawaanno inta lagu shubo, aanan dalal loo kala dhoofin. Madaxweyne Gaas, wuu ogyahy in lacagta loo waday in laaluush loogu talagaly mucaarad ku sheegiinta ka soo horjeeda dawladda dhexe, ee loo baddalay in ay tahy mushahar askar. Madaxweyne Gaas wuu ogyahay in ay jiraan hab caymisaysan oo raad raac leh oo lacagaha (laba dal logu kala diro). Lacagaha jawaanda lagusoo galiyo dal kale, waa lacag falal maldahan oo aanan qummaneyn loogu talagaly.
    Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland, intuu la hadlayo safiirka Imaraadka ee fadhiya Soomaaliya oo isagu ka dambeeyay lacagtan hoosgalika ah, muxuu u wareysan waayay dawladda dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *