Gen.Dayr oo ka hadlay sababta uu uga tagey shaqada Taliye kuxigeenka Puntland

Taliye kuxigeenkii horre ee ciidanka daraawiishta Puntland General Deyr Xaaji Cabdi ayaa shir jaraa,iid oo uu maanta ku qabtey magaalada Garoowe saxaafadda uga warbixiyay sababihii kalifey inuu istiqaalo uu shaqada uga tageyo u gudbiyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna Aakhirkii ka aqbalay codsiga iscasilaada ee General Deyr.

General Deyr oo ka mid ah saraakiishii lagu asaasay hogaanka sarre ee ciidamada daraawiishta Puntland ayaa ku sheegay sababta iscasilaadiisa dhawr qodob oo uu ku dhaliilayo Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Wuxuu sheegay inuu shaqada uga tagey ka dib markey lasoo daristey ciidanka daraawiishta xuquuq la,aan,daryeel la,aan iyo mushahaar la,aan, Isagoona intaas ku darey inay ku guuldareysteen sidey wax uga qaban lahaayeen gollaha wakiiladda Puntland cabashooyin iyo dacwado ay u gudbiyeen marar sii horeysay saraakiil uu ka mid ahaa General Deyr.

Iscasilaada Taliye kuxigeenka ciidanka daraawiishta ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisad culus ka dhex jidho labada maamul ee dariska Somaliland iyo Puntland, wuxuuna meesha ka saarey shaqo ka tagidiisu inay arrintaas lug leedahay.

Daawo muuqaalka shirka jaraa,iid.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.