Madaxweyne Gaas ”Puntland kama maaranto Imaaraatka Carabta”

Bosaso[Puntland Post]-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa`id ku qabtay xarunta Ciidamadda Badda Puntland ee Boosaaso oo ay gacanta ku hayso dawladda Imaaraatka Carabta ayaa si adag uga hadlay xariirka u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa aad ugu dheeraaday xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.

Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in Dawlada Imaaraadka Carabtu ay mashaariico kala duwan ay ka wado Puntland waxana uu sheegaya inayasna cidna ku badalan karin hormarka ay Puntland ka wadaan
Cabdiwali Gaas ayaa Been abuur ku tilmaamay hadalo warbaahinta lagu faafiyeye oo ahaa in Saraakiisha Ciidamada Imaaradku ay ka baxaan Puntland.

Goor dhaw la soco Macaluumad intaa ka badan insha allaha Puntland Post

Cabdiqani Boos 

Puntland Pos- Bosaso