Madaxweyne Gaas oo ka hadli doona Mashaariicda Imaaraatku ka fulinayo Puntland

Bosaso-[Punland Pos] Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa in goordhaw qabto shir jaraa’id sidda ay sheegayaan warar ay helayso Warbaahinta Puntland Post, waxaana shirkan Jaraa’id  looga hadli doonaa arrimo khuseeya Mashaariicda Imaaraatka Carabtu ay ka fulinayaan gudaha Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland ay xalay wada hadalo yeesheen saraakiisha Imaaraatka Carabta oo ay ka wada hadleen arrimaha taagan iyo sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa, waxaana la sugayaa natiijadii ka soo baxday oo uu ka hadli doono Madaxweyne Gaas.

Wariyaasha ayaa hadda ku sugan gudaha Xarunta Ciidamada Badda ee Punland halkaas oo Madaxweynaha lagu wada in uu gaaro islamarkan uu Saxaafada kula hadlo.

Shirka Jaraa’id ee Madaxweyn Gaas ayaa ku soo beegmaya xili Dawlada Imaaraadka Carbtu ay joojisaya hawlhii tageerida  ciidmada ee Soomaliya

Wixii soo kordha la soco Puntland Post insh allah